SAAXILNEWS.COM
Axmed Siilaanyo Wiilashiisi Ma’ye, Kuwii Uu… Waa Kuwan Carabka Dhulka Mariyay Eh? MAXAMED XAAJI
February 13, 2017 - Written by editor saaxilnews

Axmed Siilaanyo Wiilashiisi Ma’ye, Kuwii Uu… Waa Kuwan Carabka Dhulka Mariyay Eh? MAXAMED XAAJI..
Haddii wax weyn uun la siin lahaa maxaa ku hayn lahaa! Guryo iyo gawaadhi toona lagu ma laaluushin e, qof iyo $1,000 oo Zaad ah ayey garashadoodii iyo dadnimadoodii dhaafsadeen!! Intaa waxa dheer heshiis la ma hor-keenin, oo wax ay ansixiyeen garanmaayaan!

Waxa se ka sii darran sida loo waayey hal qof oo shacab ah oo muddaharaad salmi ah kaga hor yimaada foolxumadan qaran gadka ah! Hadda sidaas oo ay tahay darreenka baraha bulshada lagu cabbirayaa waa diidmo! Waxa se la hilmaansan yahay in ummad waliba iyadu dulmiga iska dul-qaadi karto.

Hadda la ansixi waxa la bixinnayaana ma aha saldhig badda ku dhexyaal, waa madaarkii Berbera oo xero ciidan isku beddelaya. Waa saldhig dhulka ah oo diyaaraddo dagaal ka haadi doonaan. Bishii ayaa lagu kireeyey $100,000!! Kuwa kireeyeyna xaqul-qalin $1,000,000,000 ayaa loo hor mariyey oo dad iyo dalba ay dhaafsadeen!

Xisbiyada mucaaridka ah midbaa diidmo muujiyey kaliya, midna wax yar ayuu hore ka qaatay, oo kaasi ma markii hore ayuu Xisbi jira ahaa! Ceeb se waxa ay ka joogtaa ka diiday. Waddani darreen ku cabbir kaliya ayuu warkiisu ku dhammaa! Haddii uu dhab uga soo horjeedo in uu ficil muddaharaad salmi ah kaga hor tago ayey ahayd, se hadal-tiro dheh warkiisa.

Waxa se runtu ay ku soo goobatay oo maanta wax la qariyaba daaha laga fayday in dalka iyo dadku ay madaxweyne la’yihiin. Kuwa sidaa wax u fashillay waa ninka waraaqda Madaxweynaha u soo qoray, iyo yarka ragga qaranka ilaalintiisa loo igmaday ee haddana baahan waajibkoodii $1,000 ku waydaariyey.

Miyey caqliga gashaa Axmed Siilaanyo oo dhuuxa waddaniyadu waligiiba kaga jirtay, oo aan musuq iyo jileec midna taariikhda hore loo gu qorin ayaa sida tan yeeli lahaa.

Walaahi geesigii qarankani lahaa god madow ayaa madaxa loo galiyey, taariikhdiisii wanaagsanneydna rag baa masaariifsaday. Tolaw kuwii uu dhalay ma’ye kuwii ……… waa kuwan Inta ay boob dhaafeen dhulka carabka? Xataa miyaa la waayey tol iyo ehel kale oo taariikhdiisa dhawra?

Mohamed-Hagi

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews