SAAXILNEWS.COM
MEEYE DADKII U DHASHAY GOBOLKA SANAAG? W/Q:- AQOONYAHANAD NACIIMA XUSEEN DAA’UUD.
February 12, 2017 - Written by editor saaxilnews

MEEYE DADKII U DHASHAY GOBOLKA SANAAG? W/Q:- AQOONYAHANAD NACIIMA XUSEEN DAA’UUD.

Gobolka Sanaag waxa uu ka mid yahay lixda gobol ee Somaliland ugu waaweyn, waxan ku taala Buurta DAALLO oo iyana uu gobolkan dheeryahay kuwa kale, buurta daallo ay dherer ahaan jooga bada ka sarayso 500fthadana way fududahay fuulisteedu guudkeeda sare adiga oo aan adeegsan diyaarad, buurtani waxay caan ku tahay dhir fara badan isla markaana ku kala duwan, urta araga, iyo dherer kaba, inastoo buurtani tahay buurta ugu quruxda badan geyiga geeska africa, hadana ilaa hada, sidii ay u qiimaha badnayd loogama faa’iidaysan, xukuuumad ahaan iyo shacab midna, Xaga dhaqaalaha Hadaan ka fiirino buurtan waa goob Dalxiis Hadii laga shaqeeyo ama la sii qurxiyo waxa ka soo hoyan lahaa dhaqaale wadanka wax ku ool u ah.

Arrinkan ayaa ah markaan indho indheeyey mid ay ka hurdaan ummada Degan Gobolka Sanaag, Dowladuna ay ka Gaabisay balse ay ku jirto faaiido wayn, waxa sidoo kale dayacay arrintan Dadka ganacsatada ah ee wadankan u dhashay siiba SANAAG.

Gobolkan Ayaa ah mid baahiyo Badan ay Yaalaan sida Jamacado, Macalimiin tayo Leh, Cusbitaalo, MCH-yo, iyo waliba Adeegyo Ganacsi oo kala duwan, Waxaan dhex Maray Magaalada Dadku waxay ii sheegeen iney dadkii gobolkan camiri lahaa ay joogaan Magaalo Madaxda Dalkan Jamhuuriyada Somaliland ee Hargiesa, waxan waydiiyey sababta gobolka looga haajiray, jawaabta aan helay waxay noqotey “Africa Caasimada Kaga Noolow” waxa hubaal ah iney waxbadan ka bedeli lahaayeen dad badan oo manta hargiesa jooga, gobolka wax ka maqan dhakhaatiirtii, Macalinmiintii, Ganacsatadii, Dowlada ayaad moodaa iney hada dib u jaleecday Gobolka oo ka wada Cusbitaalkii Gobolka iyo Mashaariic kale oo Horumarineed.

Maxaan Soo Arkey Shaqo dayacan oo uu Qaban Lahaa Mid Hargiesa Dhex Fadhiyaa, Waxaan aad uga Xumahay sida uu Gobolku hodan u yahay Misana Uu Uga Danbeeyo Muddo badan Wadanka Intiisa Kale, Hadaba waa yaabe Gobolkan Ugu fursada Badan wuxuu ku Magacaabanyahay Dad u Dhashay Wadankan Dadkaasi Ma Ogola iney Cidkale u timaad, waaney Way dayaceen oo caasimada ayay Dhooban yihiin, waxaan Aad Uga Murugooday Markii la igu yidhi suuqa Magaalada Ceerigaabo dadka u Badan waa Reer Xamar!!!. Waxaan Aad Ugu Mahadcelinayaa Jamacada Goblis Oo Ka furtay Xarunteedii Sanaag, Ha lagu Daydo, Jamacada, oo dhakhaatiir, Iyo Ganacsada Gobolkow u kaca Wadankiina Hadii Kale Naga Iibiya Anaagaa Munaafacaadsan Khayraadka Gobolkee.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews