SAAXILNEWS.COM
Mansadii = DARATO IYO DUUDSi By Abwaan Xariir Jaamac Ismalure
April 24, 2017 - Written by editor saaxilnews

Mansadii = DARATO IYO DUUDSi By Abwaan Xariir Jaamac Ismalure

===========================

= Deeleeydu waa duunyo iyo malabkii doocaane
= deg-deg uma abuuree baryaan daranta daajaaye
= Dig markaan kasiiyana ka culus daabad iyo buure
= ma daneeyo hadalkeeda oo waaiska diidaaye
= se haddaan daleeyaa qalbigu idin dinaahyeeyne
= daruur curatay daad soo rogmadey dixi bil dhaamaysa
= daratoole iyo haro-digeed daanbariyo doollo
= mar qudhaan siddii wali la diray ugu dawaafaa .

= Dirqi uma idhaahdee qalbigu waa i din-dimayaaye
= Dooxada nuugaal iyo dilaan daad ku rogayaaye
= Duufaan anoon kicin ayaan derinta keenaaye
= caawana wixii igu diraan idin dareen siine
= dhagihii daboolnaa ka fura daaha iyo xuubka
= markabyada dullaamiyo ku rara doonyo shaaximan
= aawliyada duushiyo u dira nimanka duudeeyda .

= dakanooyin ruuxii galay ayaa lagu danbaabaye
= dunji nimaan ahaayn iyo dullaad daabadsaneysaane
= nin haween dagaal kula jiraa waa dhal doofaare
= waxyigiyo dastuurkana ka orod dhaqankii diimeede
= ducufkuu ilaah baday ayuu darajo moodaaye
= intaad xabashi daanshonayiyo eeyda daba joogto
= ubad kiina maay diirateen dacas abaareede
= damantiyo caruurtana xaraash uma du,duucdeene
= alle dooriyoow duunyadaad damac wadaagtaan.

= afartaa da,dii aan ka dayey darartii maadhiin dheh
= da,da kalana waa doodan rabay daacad ugu sheege
= Deeqooyinkaa lagu digtey ee darayo loo loogay
= gabdhahaa dakano aaney galin duudka laga saaray
= gabdhahaa daffaartiyo heleen ina dabaaloo dhan
= gabdhahaa darxumadiyo ku jira duudsigiyo laaynta
= gabdhahaa dilaal iyo malaal daab cadda u qaatey
= daris nimaan ahayn iyi gabdhahan nacabku daan-buusay
= dayrkii amxaariyo gabdhahan loo durriyad sheegtay

= darbibaa ku soo dumay dadkii dibinta dheeraaye
= dood looma galin oo hablaha waa la daayacaye
= damaniyo waxaad wada tihiin nimaan daneeyneyne
= dunji kale haddii aay yihiin lama daquuqeene
= Digigixasho aadamina waa loogu duulaaye
= Dulli guudka naga fuuley iyo darato saw maaha !

= afartaa da,dii aaan kadayey darartii maadhiin dheh
= da,da kalana duuf laalada iyo duqayda haabiil dheh
= docodeeysi iyo dira-diraad duub u xidhateene
= Ruuxeey duruuf haysataad daba
ka riixdaane
= daalin waaw adeegtaan intaad daba raqlaaysaane
= daacad wax uma sheegtaan indaat xumaha diidane
= haddii aad dagaashan hablaha laguma duuleene
= darajiyo ragg kuma raadsadeen duunyo xoolaade
= dayacaba waxaa badaya waa dagalkeey joogaane
= Door aay ahaataba mar waad eedi doontaan.!

= waxaba deelku yuu ila durkina waxan ku soo duubey
= waalidkooda diifaysan baan duub uxidhayaaye
= Dubaaqooda duudsiga qabaan soo dajinayaaye
= Dara jaale waaw soo baryaa daain abid keey, e
= inaad doogsan doontaana waa daacada ilaahe
= Ducadana ku daabaca qalibaga waa la dumayaaye
= Daawliishu waa deebis iyo duur-xul gabayaaye
= waa dacar sulaaq loo ku timi dahaba diinii .

By Abwaan Xariir Jaamac Ismalure

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews