SAAXILNEWS.COM
Tixdan waxa la yidhaahdaa MASLAXO, Waxa tiriyey Maxamed Ciisood.
April 11, 2017 - Written by editor saaxilnews

Tixdan waxa la yidhaahdaa MASLAXO, Waxa tiriyey Maxamed Ciisood.. maslaxo waxa ay kamid tahay maansooyinka dhex dhexaadka ah ee silsilada miimlayda ah, tixdu waxay ugu baaqaysaa dhamaan dhalinyarada haldoorka ah ee ka qayb qaatay silsilda inay la yimaadaan xal wax ku ool ah oo lagula tacaalo dhibta jirta, tixdu waxa ay qiraysaa in uu musuq jiro si kastaba ha u jireee, balse taas macnaheedu maaha in waligeedba lagu cel celiyo musuqbaaa jira iyo waxbaa la lunsaday oo waligeenba aynu maqli jirnay, hadii ay sidaa ku sii scocotana waxaabay u ekaanaysaaa dad aan is caqli dhaamin balse eedayn aan dhamaanayn, ceeb iyo cay gurigooda taala ku asaraartamaya, sidaa awgeed tixdu waxay ka codsanaysaa dhamaan ka qayb galayaasha iyo dadka kale ee caqliga u saaxiiibka ah inay so bandhigaaan wixii lagula tacaali lahaa musuqa.

Bismilahi Magacii

Mawluhu la baxayee

Macbuukeeni waynaa

Milgihiisa gaarka ah

Raxmaanow idhaha yidhi

Marka xiga silsiladii

Weedhsame balaysimay

Cabdillahi marag kacay

Ee madal abwaaniyo

Barbaartii aftahanimo

Ugu muuqa roonayd

Kala maanka aragtida

Miimka isku celiyeen

Mareegtaan ka helayoo

Markii aan mahiibsaday

Anna mooradaydii

Minkanaa kasoo baxay

Maragiyo muducigii

Isku muusanaabaw

Runta lama maldaha oo

Been lama masruuftee

Idinkooo madluumkiyo

Matalaaya maatada

Mashaqada la dariska ah

Tixdaad ugu miciinteen

Alla magane waa hiil

Marna waa tilmaaniyo

Moogaha wax sheegii

Marna waa damiir lumay

Magacuu dulaystiyo

Maalkuu ku loo faray

Qaanshaag ku maqan iyo

Milil buuga ugu yaal

Marna miimku waa bade

Murti weeye meel mara

Hayeeshee maxamadow

Amintaynu joogniyo

Maalintaan garaadsaday

Subaxii yimaadaba

Waxa igu maqaalo ah

Mansibaa wax lagu xaday

Musuq seeto goys iyo

Murdisaa la sheegaa

Macaluusha baahdiyo

Omoskiyo abaartana

Amar alle ha joogee

Madaxdii wax laga saar

Hayeeshee maslaxadii

Hadii ay murgacatiyo

Haday mayrac seegtaba

Misna magac xumaantiyo

Xaajada maroortaa

Mooskayga dhaafayn

Muramuhu xal maahee

Mahuraanka samahiyo

Wixii maara noqon kara

Maad muhindisootaan

Maxamed Ciisood

063-4432488

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews