SAAXILNEWS.COM
Maxaa Somaliland saboolka ka dhigay ? Qore:Axmed Aw Salawaad
April 4, 2017 - Written by editor saaxilnews

Maxaa Somaliland saboolka ka dhigay ? Qore:Axmed Aw Salawaad

Dalkan Somaliland waa dal hodan ku ah hanti same badan, oo bad kaluun Fatahaysa , dhul beereed balaadhan , xoolo tiro badan seddexda meesi ba ah ilaah siiyey. Ku dar hanti samaha dhulka hoostiisa ceegaaga ee ku duugan ootiro beelay. Dalkaa waxaas hantisame ah ilaahaydhigay ayaa dadkiisu sabool Yihiin oo gaajo iyo saxariir ku noolyihiin. Haddaba maxaa inoogu Wacan Saboolnimada raagtay ee ina regaadisay ee dunida xageeda hoos ka Hoosaysa Inna dhigay.? Jilaal ba jilaal muxuu iigu dhibayaa?Maxaa dhaqaale xumada Inna baday? Ma cadho eebaa inna cusktay,? Ma waxaynu curinaa Oo aynu gacmaheena ku goosanaa ? Maxaa innaga hortaagan inaynu Gaadhano barwaaqo iyo nolol badhaadhe sida dunida kale? Xogto waxay tahay oo meelena loo dhaafayn, oo cudurku hoganayaa uu Deegaan ku yahay, fadhiisinna ka dhigytay: Intuu maanku gaajaysanyahay guuli waa weli.Wixii raagaa ba way xumaadaan !) Haydii ahaa Xukumadda, Guurtida, wakiilada iyo Garsoorka Oo musuuq oo dhex jiifo .

B) Guurtidu 26 sanno ayay yuurureen ayagoo aan cid dooran, aqoon siyaasdeed Aan lahayn, Waa hoyga qabyaalda oo waxay meesha ku fadhiyaan magacyo Reereed. Talada ay keenaana waa gacan taag indho la,aan oo hunguriga Iyo caloosha ka daarma. Distoorka ma fasiran karaan oo in yar mooyee Waa loo akhriyaa. Waxaa la mid yihiin Dameerkii Kitaabka siday ee eebbe Ku tilmaamay kuwii loo keenay Tawaaradda ee qaadan waayey J) Wakiiladdu waxay 18 sanno oo kolba oo gabawga kale ee yuurura kolba u cusboonaysiiya, waxaanay ku yimaadeencod qabiil oo midna laguma dooranAqoon iyo maskax furnaan’, Sida guurtida ayay huguri la yuurur yihiinOo caqligu ma shaqeeyo ee calooshay wax ku gartaan.
Boqolkii 60%Waa caydhii Europe ee debeda ka soo qamaamay si ay u boobaan Halkan. Laxejeclo kuma jiro arrintii la horkeenaba falanqayn la.aan Iyo ka fiirsan oon danta dalka iyo dadka eegin ayay gacan taag miidamo Ah ku mariyaan. Waayo, ujeedadiisu waa dhameelka yar ee uu markaa Arkayo.

X) Madaxweyna waa kal dhaaf wuxuu marayaa sideed sanadood, Kii Horena
Ee Riyaale kal dhaafbuu ku tegay , raaagsitaa Uu ku raagayo kursiga madaxweynanidu

waa ta keenaysa inuu u qaatoInuu kursiga iska leeyahay oo loo doortay

inuu iska fadhiyo , oo isu dhigo inuu dadka iyo dalkaba leeyahay isnu dhalinrogu

Kelitalis.. Waa ta keenatayMadaxweynuhuHantida ummada xaraasho

marba meel iibinya ee inooga Dhigayaa horumar. Sicir barar, darxumo,

maamul xumo isagoo wakiilda qol ku raagga ah laaluusha

Oo barnaamijku doono kaga iibso dareenka dadnimo kaganaansixista

Wuxuu doono. Wixii Raagaaba way xumaadaan.

Kh) Wasiiradiisa waxay kor u dhaafeen 70 segeger oo qurbajoog

u badan, oo hungurigu cadyahay , soo boob tegay,

nolosha ka soo dhacay , meehanaab , derbi jiif ahaa

musuq ah Oon aqoon lagu soo xulin ee qabyaalad ku yimi.

Waxaa la yidhaa Wasiirkii reer hebel ,Wada professor bug ah,Af Shisheeye

Oouu hadalka ku badhxao ayaa uu aqoon ka dhigaa iyo gibil gaalad iyo

Bayd uu cunaa iskaga rooriyo qabliguna waa qalalanyahay.

2) Ganacsatada oo ku milamay xukuumadda:

Ganacsatadu waa cudur galay xukumadda oo dhiiriyey musuqmaasuqa.

Waxay fureen iibsashada hanti qaranka .dhulkiiDanta guud ,

wershadiii korantada. Kaydkii qaboojiyayaasha kaluunla.

Waxay samaysteenSuuq xidhasho( Monopoly) aygoo cidhiidhiyeen

ganacsiga yaryar oo sicir Jumaladda iyo tafaariiqda waxaba u dhaxayn.

Ganacsatada waaweyn waxay sababeen inay ganacsi kastoo cusub

Markay arkaan Ay boobaan oo suuqa ka saaraan ciddii fikradda

Lahayd. Tartan la’aan suuq ah ayay keenayaya inay ganacstada waaweyn

-Suuqa xidhaan ( market Monopoly).

3- Bangiyadii maalgashiga waa suuq xidhan ah( Monopoly):

Bangiyadii waxay noqdeen qaar aan hab wanaagsan oo maalgelin ah

Lahayn ayagoo sheeganaya Amaaho hab-dhaqan islaam oo 19% gaadhaya

Iyo xidhaadhayaal kale oo adag ayay kushaqeeyaan .

Waxay yidhaahdaan Maraabaxo oo ah macaash wadaag

Mukhaasaro majirto ( Khasaare wadaag ma jirto).

Hadda ogow waxaa lagu macaash wadaagayaa waa hanti Rahman

Ee qofka amaaha qaatay leeyahay . Markuu qofkii

Dani u geysaa uu tahli waayo inuu lacagta amaahda ah iska celiyo

Hantidiisii rahanka ahayd ayay ka xaraashaan oo bangigu lacagtiisii iyo dulsaarkii 19% ahaa

Ayuu qaataa oo marna khasaare maleh . Maxaa qoysas guri la.aan

Labaday.

Bangiyadii jabnaa ee 4% – 6% wadaadadaa hortaagan oo xukuumadda

Gacan saar laleh . Waxay ku dacaayadeeyaan waa Ribo, Waayo banigayda

Dahabshiil iyo Daara Salaam Ayey kan hore gacan saar laleeyihiin oo ah

( Financial MonopolY) , ka dambenaSamiyo ku leeyahiin.,oo tartankay diidayaan.

Qaadashada Dulsaarku wadaadka waa u xalaal dadka kalena waa ku xaaraan.

Dadkuna bangiyada ka jabanAyey amaahda ka qaadan lahaayeen.

Dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaanee:

Hab dhaqanka siyaasadda ku qotonta qabyaaladda waxaa ku dhisan xukuumadda

Somaliland . Madaxweynuhu waa qabiil , wasiiraddu waa qabiil , Guurtidu waa

Qabiil Xisbiyadu waa xisbiyo qabiil, xil dhibaanku waa Qabiil, Xilkasta waa qabiil

iyo eex reernimo. Aqoon iyo khibradda la tixgelinayaa majirto. Umadda aan

tixgelin aqoon meel ma gaadhayo.

Madax dhaqmeed tiro badan ayaa siyaasad fasaqay:

Xukuumaddu way dhiiri gelisaa waxay ku shaqaysataa Salaadiin iyo Cuqaal

Oo aan hab dawladnimo aqoon . Caail iyo suldaanka ayaa soo keena wasiirka

Oo ah wasiir u xidhan caaqilka ama wasiirka. Waxaad arkaysa Ph,D qof sita oo caaqil ama

Suldaan jiidayo si xil wasiir loogu dhigo , wasiirkaa qabiilka ahi waxaa uu xilka

U doontay dantiisa gaaban ee u gaarka ah ee qabiilka uu magacooda ku yahay

Wasiirka uma danynayo eewaa hulaab uun. Sidaasay ummadda loogu kala qoqobay

Qabiil, jifo,jibo iyo baho. Qalabka shaydaanka ee dadka kala xidhxiday waa

Madax dhaqmeedka uu gumeysigii adeegsan jirey si u maamul si dadban.

Mandooriyaha Qaadka

Qaadku waxaa inaga luma dhaqaale badan oo gaadhaya $ 700 Million sanadkiiba

Markaan lagu darin khrashka cudurada ka dhasha cunistiisa sida Kansarka,Waalida,

. Ku dar sicir Baraka ka dhasha Malyuun iyo shan boqol oo kun oojoogto looga

Saaro dalka oo Ethiopia malin kasta lagu soo iibiyo maadooriyaha qaadka.

Saboolnimo guud oo dalka oo dhan ah iyo qofqof ba wuu u waxayeeleeyaa,

Qaadka hadii dadka laga joojiyo waxay keeni lahayd horumar hadii hab maal

Gaashi loo habeeyo.

Etiopia lagulama gorgortamin inay ina qaadato kallunka oo aynu ku soo bedno

Lacagta qaadku fuuqsado sanad walba ee dhaqaalaheena curyaamiyey .

.

Qurba jooga hoogaanka qabtay wuu burburiyey dalka:

Qurba joogani, Soo qamaamee, xilka lagu qoray

Qiiro malahee, waa qaadhaab doono, oo qandi dheer bay,

Xoolhii qaranka , ay ku qaatee, .

B) Maanta madaxda dalka Madaxweynaha laga bilaabo
Oo isagu ba qurbajoog ah , 70ka Wasiir ooisgu magaacaabay

agaasiimayaasha guud, agaasiimayaashaWaaxaa , badhaasaabyada

iyo madaxda , wakiilada 60% qurba jooge, Hanti lunsiga aad ugumamay

oo aad u yaqaana qalin daraalaha.

T) Xisbiyada qaranka madaxdooda, gudiyada fulinta, Golayaasha
Dhexe iyo kuwa goboladu waa wada qurbajooge doonaya inu

Halkan xoolo ka boobaan. Tusaale waad arkaysaa wasiir qurbajoog

Ahaa oo lix bilood gudahood ku dhisanya guryo iyo fooqyo. Markii

Arrad ku yimi qurbahanna musqulaha ama weelka maydhe ka ahaa

Dalku joogi jirey ee uu ka soo hangagaaray isagoo diifaysan.

Qorshe horumar dhaqaaleh tan guud iyo tan gaar midna ma jiro:

Ma jir ma jiro mashruuc horumain dhaqlaale oo la sameeyey:

Xukuumaddu iyo golayaasheedu marna may hirgelin mashaariic

Horumarineed sida; Wershado wax soo saar ah, horumarin beeraha

Ah ama qaar kale. Bedelkedii waxay abuurtay sicir barar nugleeyey

Dhaqaalihii qaranka iyo qofka ba .Waa askarigii $80 kii wax u goyn

Waayeen ee saxarrirsan.

Codka waa bixiya daljoogayaasha , oo xaq u leh inay iaygu talada

Qabtaan waayo ayaa codka leh xogogaalna ah. Hangaggare qurbaa

Ka yimi talada faraa haka labaxo.

Halkan bay ka dhawdee tolkay way hagranayaa ye

DPW iyo Kirada Saldigga Mililtary dhaqaale ma keenin karaan .

Meeday dekeddii 440meter ahay, ee la sheegayey. Heshiisku

Ma wuxuu ahaa tan ah tii ila dhuuq oo hashaydan aan gudhin

Gu, iyo Jiilaal 40 sannadoo maal u sii carab dhergey , Ma doobaygii

Buuxaybaa dubay lagu dhamayaa, Horumarku ma Hasha Berberaa

Daaqdaa dubay lisaysaa,Lacagta ka soo baxda hadii si wanaagsan

loo maamulo oo laga daayo lunsiga iyo qaybsasha iyo qadhiidhka

2km ayaa lagaadhsiin Lahaa dhererkeeda wadadana lacagta ka

soo baxda ayaa lagu dhisiLahaa ilaa wajaale, Lacgta ka soo xerootana

dalkaa yeelan lahaa 100% weligaa horumarna lagu samayn lahaa

shaqo iyo sharafnaLaga heli lahaa.

Saldhigu waa belaayoy baydh oo nagu soo baydh:

Dagaalka carabta iyo Iraan u dhexeeye maxaan ugu gacan haadinyaa

Een ugu soo raray Somaliland .nabdu miyaanay barwaaqada la walaal

Ahayn. Carabku waa maxay wuxuu isaga soo fogeeyey colaadda ,

Carabku intee buu leegyahay? Belaayo aan kuu dhowyn looma

Baaqo.

La soco

Qore:Axmed Aw Salawaad

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews