SAAXILNEWS.COM
AFKA LAGAMA SHEEGTOO ADIGOON XABSIBA ARAG” WQ: Rashiid Odowaa
February 28, 2017 - Written by editor saaxilnews

AFKA LAGAMA SHEEGTOO ADIGOON XABSIBA ARAG” WQ: Rashiid Odowaa
Iyadoo ay kala duwan yihiin dabaeecadaha Xukuumadaha caalamka ka jira waxa qaabeeya habka loola dhaqmayo maxabiista iyo dadka danbiyada Hadba nooca ay tahay Xukuumadda xilligaas ka jirta dhulkaas ama madaxweynaha xukumaya dabeecadaha uu leeyahay waxana la odhan karaa waa hab la koraya ama isla bedelaya Horumarka ama Dib udhaca ka jira dalkaas.haddii ay hoosayso heerka aqoonta iyo horumarka dalkaas waxa laga yaabaa inay Halis noqoto habka laysku xabsiyo amma jeelka laysku geeyo waxase kala jira Jail iyo Prison waxayna kala yihiin Xadhig qof la xidho iyadoo maxkamad la taagay isla markaana ku cadaaday danbigu kaas waxa loo yaqaan Xadhiog(maxbuus) ka kale waxa loo yaqaan jeel waa habka saldhig bolis markaas waa eedaysane waxana laga yabaa inuu bilaa danbe noqdo (Innocent) Danbi laawe.

Xabsiyada adduunka ugu khatarsan waxa ay ku yaallaan dalalka Venezuella.Uganda.Turkey,Farnce Ruwanda.Saudi Arabia. Thailand,Barsil.USA.North korea. Waxa jeelashaas loogu ciqaabaa dadka si arxan darro ah iyadoo dadka lagu sameeyo noocyada Torture ah sida dal dalaad.garaacis.figayn.bullaacad lagu daboolo,Electric lagu dhalaaliyo iyo Nooc kasta oo aadminimo ka baxsan iyadoo lagu ciqaabayo dadyow si gaar ah loo target garenayo ama loo bidhaansanyo,

Haddan dib ugu noqonno Xilligii Dowladdii la isku odhan jiray Somalia waxa xukunka gacanta ku haya Madaxweyne Siyad barre iyo Shakhsiyaad ku Xeeran oo ay ehel ahayeen intooda badan dhaman lagu tilmaami karo inay ahayeen Dictator,waxa lagu tilmamay intii uu xukunka hayay M,maxamed Siyad barre iin lagula kacay qabaailka isaaqa,Majeerteen,iyo hawiye cadaadis iyo gumaada ha ugu badnaado dhinaca woqooyiga dalka Somalia(Somaliland). Hayadda United Nations development Program(UNDP) waxay Sheegtay in 21 sano oo uu dalka Somalia Xukumayay laga sameeyay Rekoodhka ugu Xun qaaradda Africa, 1990 Hayadda African wacth Committee oo qayb ka ah Haydda Human Rigth Watch waxay soo saareen warbixin dheer oo ay ugu magic dareen(DOWLADDA SOMALIA OO DAGAAL KULA JIRTA DADKEEDA) warbixintaas oo aad u dheer waxay ka koobantahay 268 page warbixintaasi waxay iftiimisay xadgudubka xuquuqda aadmiga ee ka jirta Somalia gaar ahaan Woqooyiga(Somaliland) miyi iyo magaaloba ku baahsan warbixinbtani waxay caddaynaysaa maragyo caddan ah oo muujinaya xadgudubyada ka dhacay woqooyiga Somalia cadaadiskana waxa badi uu ku dhacay Qabiilka(ISAAQ) oo ay Xukuumadu u aqoonsatay inay taageeraan Argagixiso waxyabaha lagula kacay dadka waxa ka mid aha Dil baahsan Miyi iyo magaaloba,Xadhig bilaa sabab ah.Xabsiyo aan nadiif ahayn sida dukhanka iyo wasakhda,Jidh dil(Torture),Kufsi.in laga curyaamiyo Xorriyadda Dhaq dhaqaaqa iyo Hadalkaba.iyo argagax gelin xagga Maskaxda ah (psychological ) war bixintu waxay caddaysay in dad gaadahaya 50,000 illaa 60.000 lagu dilay 1988-1989 waxa kaloo ay warbixintu caddaysay in haaydda Sirdoonka Somalia Nationla Security Somalia(NSS)hababka ciqaabta ay adeegsan jirtay ay ka mid ahayd Electric lagu dhalaaliyo qofka inta lagu xidho meel aanu nuuxsan Karin dumarka maxabiista ah waa la kufsan jiray,graacid iyo inuu khasab ku qirto danbi aanu lahayn.NSS waxa madax ka ahaa Wasiirka arrimaha Gudaha Axmed suleyman Cabdalla(dafle),

September 1970 ayaa Xukuumaddau Soo saarty Xeer No 54 kaas oo fasaxaya ama awood u siinaya inay hayadda NSS ay xidhi karto Kuna soo oogi karto danbi Iyadoon waaran looga qaadan maxkamad,iyo in la xidhi karo intii la doono iyadoon ku dhicin Xukun maxkamaded dadka looga shakiyo inay ka horyimadaan xukumadda waxa lagu xoojiyay xeer No 1 kaas oo dhigaya ama mamnuucaya wax kasta oo loo arko inay ka hor imanayaan Midnimada iyo Nabadgelyada Qaranka in ciqaab lagu fuliyo waa arrin manadate ah,wixii ka danbeeyay 1970 Ciidamada Duub casta iyo military waxa loo adeegsaday inay Burburiyaan Ceelasha biyaha ee Gobolada Dhexe waxa loo malaynayaa illaa 2000 oo ka mida qabailka majeerteen inay u dhinteen haradd iyo Dil badheedh ah iyadoo loo cuskanayo inay gacan ku lahayeen Inqilaab dhicisoobay 1978,

Arrimahan waxay sababeen Kacdoon ay taageerayso Dowladdii hore ee Ethiopia waxana xadka tallowgiisa ka samaysmay jabhado ay ka mid ahayeen SNM ,SSDF,USC, waxanay sababtay aakhirkii in maxamed Siyaad barre ku baxsado Tanki gudihii isagoo ka cararay madaxtooyada Villa Somalia Mogadis hu waxanu ku dhintay Nigeria 2 january 1995,

Rashiid Odawaa

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews