SAAXILNEWS.COM
BAAQ KHATARA CUSUB MUKHTAAR YUUSUF
February 27, 2017 - Written by editor saaxilnews

Baaq

Khatar Cusub Waxa qoray Mukhtaar Cigaal

 

Ka ganacsiga binu aadamka (human trafficking ) gaar ahaan ka ganacsiga caruurta (child trafficking )

waa ganacsi aduunka ka jira ,siyaabo badan ayaa looga faa’idaystaa caruurta laga ganacsado qaar kamida askar ayaa la

qorayaa ,qaar shaqaale ahaan ayaa loo kala iibsadaa ,qaar jidhkooda ayaa laga ganacsadaa qaarna waxa lagu

tababarayaa ka ganacsiga daroogooyinka halka qaarna xubnaha lagala baxo .

waa mid kamida ganacsiyada ugu lacagaha badan aduunyada ,wadamada aduunka oo dhammi waxa ay ka midaysan

yihiin in ay ladagalamaan ganacsiga caruurta .wadamada reer galbeed ku way u taag waayeen in ay xal u helaan

caruurta la kufsado ama la xado sidaa darteed ayaa masuuliyada caruurta waalidka loo saaray ,dhammaan wadamada

reer Yurub waalidka ayaa ka masuula in ay caruurtooda dugsiga geeyaan kana celiyaan iyaga oo ka cabsi qaba in la

afduubto caruurtooda .

10 dal ee ka ganacsida binu aadanka caanka ku ah waxaa ka mida

1.Bangladesh 2. Brazil 3. Slovenia 4. Sri Lanka 5. Pakistan 6. Nepal 7. China 8. Ghana 9. Russia 10. INDIA

wadamada muslimka ah way ku yartahay ka ganacsiga aadamuhu ,laakiin haddana way jiraan Somaliland baryahan

dambe way ku soo badanaysaa ka gacansiga caruurta ama caruurta la afduubanayo 24/02/2017 shalay jimcihii ayaa u

dambaysay oo dhacdadani dhacday.

Raxma cabdi muxumed oo arintasi ku dhacday ayaa waraysi sisay Muuqbahiya

Star Tv “ aniigoo dhar maydhaya ayay ii soo gashay ka dibna waxay tidhi habaryar maskin ban ahaye maxaad igu cawin

kartaa ka bacdi waxaan ku idhi cid waalid ihi majoogto wax cunto oo guriga talo loo la cuno matalo ayan ku idhi ku

manan samaysan saaka qureec guriga ka dib waxaan ku idhi hadaan bariis qaydhiin ku siiy ka waran waa caadi bay igu

tidhi sufurban ugu soo shubay wanan siyay ka dib waxaan garan wayey goor alle iyo goor aan badalmay dharkii anigoo

aan siyay jawana ugu guray ayaan is arkay aniguna aan xidhay xijaab qoyan anan racay ka dib nooho taagnayd ayan

wada raacnay aniga. Iyadii, 4 nin iyo inan kale ka dib guri bay I geeyeen ka dib qol kamida ayay nafadhisiyeen qolkana

waxaa jooga laba hablood oo kanool ku xidhanyay ka dib aniga way Ifadhiisiyeen dhiigana way iga qadeen irbadna way

igu mudeen ka dibna waanu tagnay ka kalinta ina gafane ee galbedka ayay nagu dajineen aniga iyo gabadhiiba intaa soo

lugeeyana waynagu yidhaahdeen intii anan gadhin halkii lagu balansanaa ayuu miyirkaygii soo noqday ka bacdi waan ka

baxsaday xafadna waan ka galay xafadii ayan is ku sheegay xafadiina dadkaygii bay ila soo xidhidheen aniga iyo

gabadhiiba sidaas ayaa naloogu yimid.

isla dhacdadanoo kale ayaa iyaduna dhacday 12/02/2017 ayaa gabadh yar la wayay marki ay schoolka aya tagtay

aroornimadii sabtidii idil Cabdilahi 12 sano jir waxay dhiganaysay fasalka 6aad School of Today

ka dib markii lawayay yaa badhitaano iyo dabagal hor leh lasameyey waxaa wax sheega ugu wardambaysay markii

schoolka ay xiisaduhu dhamadeen lagana rawaxay gabadhanyar waxaa laga bafiyay meelkasta baraha

bulshada,idacadaha,website,kantarolada iyo dhaman xuduudaha Somaliland xuduuha

waxay magnay 6 habeen iyo malmahoodii ayaa lala’a waxaa la helay 16/02/2017 waxaana laga helay macalada Burco

waxay sheegtay in guri lagu hayay irbadna lagu muday.

dadkii ku luglahana lahayo xidhanyihiina

sanadkii ugu dambeeyay waxaa la ogaaday kiisas caruur la xaday ,waxaa ugu dambeeyay wiil yar oo talefiishanka hoon

kaybal(HCTV) sii daayay ,wiilkaa yar waa la afduubay waxaana la mariyay caafimaadka nasiib wanaag muu noqon qofkii

ay u baahnaayeen oo dib ayay usoo celiyeen .

Hadaba Bulshada Somaliland maxaa la gudboon ileen waxaa soo dhanba way ka war ladaye waxaan maqli jiray

“Baadida ninbaa kula daydaya daalna kaabadine oon doonaheyn in aad heshona dayin abidkaa”

Hargaysa waxaa ku yaalaan guryo caruurta lagu qariyo sida dhacdoyinka kor ku xusanba lagu sheegay laguna

baadho,dhigagana lagaga qado caruuraha la soo xado lagamana war qabo ,waa wax laga xumaado in ay dad inaga ahi

la shaqeeyaan dadkaa ,waxaa kasii daran in aynaan ku baraarugsanayn ka ganacsiga caruurta .waxaa jira guryo badan

oo magaalada la kiraysto masuuliyada dawlada ayay tahay in laga warhayo cida ku jirta iyo waxyaalaha lagu qabto tasina

ma jirto bulshada laftoodu way seexdeen oo jarku jarkisa ama cida ku soo biirtay xafada u daganyahey kama war hayo.

xuduudaha wadanka kantaroolada magaloyinka waxaa kasoo gala dad badan oo siyaabo kala duwan u yimaada

wadanka waxaana fudud sida biyaha loocabo in aayar lagalabaxo caruurta dalka tusaale ahaan waxaa fudud in ilmo aya

oo caruuro iskaga gudbi karo magaloyinka Somaliland maxaa fudaydinaya in lagu dhiirado in caruur badan lawayo

waxyaabaha iga ayabiyay ee laga warlayay waxaa ka mida sharkadaha ama baburta dadka qada oon masuliyad iska

sarin cida ay qadayan, tixraac aan ka rebeyn.igu yaran magaca qofka ay qadan qaarban ka reebinba qoonsina is kabada

hadalkiisaba cidamadeena kantaroladu uma tobobarna ama hubiyaan dadka gawadidu sido sidii la donayay ka u gu roon

waa ka madaxa soo yara galiya buska.aqoonsi weydiintisana is ka badaa

dawladda iyo sirdoonka waxaan ka codsan lahaa in ay kordhiyaan shaqadooda si aynu u badbaadino caruurteena iyo

wadankeena ,ururada bulshada waxaa ku waajib ah in ay wacyigaliyaan oo ay ka jawaabaan tacadiyada ka dhanka ah

caruurta ,jaararka iyo xaafaduhu waa in ay ka warhayaan cida ku jirta jaar kooda .Somaliland waxa kaliya ee

amaankeeda ilaaliyaa waa bulshada oo aan qarin aqoon dadka xumaanta ka dhex wada ,bulshada ayaa soo sheegta

waxa ay ka shakiyaan tusaaale ahaan waxaad aragtay ama ka shakiday gabadh ama nin caruur wata wanad ka

shakiday hubso oo hubi waxaa laga yabaa in hadalkaguba faraj u noqdee kuna xidhnow lamaha amniga dalka

dadweynuhu wax badan ayay ogyihiin waxbadana way soo qaban karaan haday ku baraarugsan yihiin xaalada jirta .ugu

dambayntii waxaan codsi dheer u dirayaa dawlada iyo dhammaan bulshadu in ay ku baraarugsanaadaan waxyaalaha ka

jira magaalooyinkeena .

Gmail: Mukhtaryusuf@gmail.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews