SAAXILNEWS.COM
SOAMLIAND MAKA FAA’IIDAYSAN DOONTAA FURSADDA ALBAABKEEDA GARAACAYSA. WAXA QORAY : Mohamed H. Ahmed
February 26, 2017 - Written by admin

SOAMLIAND MAKA FAA’IIDAYSAN DOONTAA FURSADDA ALBAABKEEDA GARAACAYSA. WAXA QORAY : Mohamed H. Ahmed

Email: m.hussein2012@hotmail.com

HORDHAC.

Waxaynu wada ognahay in dalka jamhuuriyada soomaliland uu ka mid yahay dalalka dunida ee saboolka

ah, balse haddana ilaahay ku galaday khayraadka ay haysato oo uu ka mid yahay juquraafi ahaan goobta

ay ku taalo oo muhiimad aad u wayn u leh, xag military iyo mid dhaqaale labadaba, sida la wada ogyahay

soomaaliland waxay dhanka koonfur galbeed kasoo kulaalaysa marinka baabul mandab oo ah marin

biyoodka ay maraan in ka badan %10 1 guud ahaan dhaqdhaqaaqa ganacsi ee dunida oo dhan, siiba kan

dhex mara qaaradaha Yurub iyo Eshiya waxa uu teedsan yahay laga soo bilaabo Eritria iyo Jabouti ilaa

laga gaadho xeebaha Somaliland ee fooda ku haya gacanka cadmeed oo ah halka laga galo marinkan,

intaa marka lagu darro istraatijiyada millatari ee goobtan ayaa goobtan u yeelay ahamiyadeeda

dhaqaale iyo milatry oo qayb wayn ka qaata qaabaynta guud ahaan siyaasada dunida 9 .

AHAMIYADA MARINBIYOODKA BAABUL-MANDAB IYO GACANKA CADMEED.

taariikhda hadii dib loo milicsado waxaad ka dheehan kartaa goobtan aynu ka hadlayno ahamiyadeed,

ka soo bilow Faraciintii, soo ifbixii/ faafintii diinta islaamka iyo dhaqdhaqaaqii ganacsi ee carbta 2 oo

dhamaantood aanay suurta gasheen marin biyoodkan la aantii,waxa qiimaha istratiijiyadeed ee goobtan

cirka ku sii shareerary Nofamber 1869 markii la daah furay marin biyoodka Suwiis (Suez Canal) ee laysku

faruuray badda cas iyo tan medetranian-ka oo ah albaabkii ay kasii gudbi lahaayeen maraakiibta soo

maraysa marinka babul mandab iyo gacanka cadmeed, taas oo looga jeeday in marin-badeed toobiya ah

loogu helo maraakiibta ganacsi ee ku socota Yurub, ayay aahayd run ahaantii markii ugu horaysay ee ay

goobatani noqotay dhabbo-badeed dhab ah oo lagu xisaabtamo, ku darso oo xiliyadii dagaalaka qabaw

ee labadii quwadood ee bariga iyo galbeedka oo labaduba u kala danbeeyay, fadhiisinka military ee

Berbera xasuuso ama waayeelka waydii odhaahdii caan baxday ee (ka bax oo ka bul dheh), waxa waliba

mudan in la xuso in dawladii taliskii Siyaad Barre ay goobtani u ahayd wax uu kula baayactamo

daneeyaaysha dunida mararka qaarkoodna waxaabu ku hanjabi jiray inuu kala xidhi doono isku socodka

iyo dhaqaaqa ganacsi ee baaxadaa leh ee goobtaa qulqulaya iyaga oo badda cas uga gudbaya marinka

suways ( Suez Canal) oo ay dawlada masar cashuur ahaan uga soo xerooto marakiibta marinka suways

ka gudbaysa dakhli dhan Lix Bilyan (lix kun oo milyan ) sanadkii, waxa kale oo tusaale kuugu filan

ahamayida marinkan in dhamaadkii sanadkii 1956 Mar uu hogaamiyihii masar ee Jamal Cabdinasir ku

dhawaaqay in ay la wareegeen isla mar ahaantaana ay xidheen marinka suways waxa si deg deg ah

arrintaa uga cadhooday oo gacan ka hadal kaga jawaabay dawaladihii waa waynaa ee reer galbeedka oo

ay hor kacayaan igriiska, faransiiska, iyo Israil oo markii horeba meesha ku jirtay, iyaga oo iska

kaashanaya inay wax kastaba haku qaadatee dawlada Masar ku dirqiyaan inay furto marinkaa

badeedkaa cashuurna qaadato waa dagaalkii loo bixiyay gardaradii saddex geesoodka ahayd ( Tripartite

Aggression ) 3 , u fiirso waxaas oo addun ah ee sidaa loogu loolamay waxay sii maraan gacanka cadmeed

iyo babul mandab oo kaabiga u saaran Jamhuuriyada Somaliland, inkasta oo aanay suurta gala ahayn in

dawladaha mandiqada ay qaadaan cashuur lamid ah tan dawlada masar ka qaaado haddana wali

istraatijiyadii meesha kamay bixin, marka ay u liidato waxa dawladaha mandiqada ee ay kamid tahay

Jamhauuriyada Somaliland ay tahay in loo daba fadhiisto oo marti looga noqdo suggida amaanka jiida

iyo wixii badeecado ganacsi ee maraya, hadii laga tagi waayo dunidu waa in ay ogaataa oo maanka lagu

hayaaa in meeshan dad iyo dawladi joogaan taladeedana gacanta ku hayaan.

MAXAA INDHAHA DUNIDA KU SOO JEEDIYAY MANDIQADA

Hadaba hadii aynu ku soo dhawaano ujeedada maqaalkan, soomaaliland oo qayb libaax ku leh jidaaa

aynu soo tilmaanay hasa yeeshee muddo dheer aad moodaysay in la yasi jiray ama la duudsiyi jiray oo

aan lagu qiimayn jirin istratijiyada ay leedahay dhulkeeda iyo badeeduba isla mar ahaan taana sababo

dhawro ah awgeed dunidu indhaha ka dul lalin jirtay, in badana door ay xaq u leedahay inay ka ciyaarto

mandiqada laga hororsan jiray, arintaa waxa marag u ah oo ugu danbeeyay mashruucii budhcad-

badeeda, Si kastaba ha ahaatee sida inoo wada muuqata dhamaan daneeyayashii jiidan gacanka

cadmeed gadgadoonka siyaasadeed ee mandiqadu waxa uu ku kalifay (waa sunaha siyaasada eh) inay

soomaliland maqaamkii ay mudnayd fadhiisiyaan, hadaba su’aasha waxay tahay, ma laga yaabaa

Jamhuuriyada Somaliland in nabsi maalkii ay helli doonto? haa waxa la aaminsan yahay in hadii ay

Somaliland si fiican uga faa iidaysato baaxa degga siyaasadeed ee guud ahaan dunida iyo gaar ahaaan

dunida ka socda.

Hadaba bal aynu hoos ugu daadagno si aynu wax uga tilmaano arrimaha ku soo kordhay dunida ee

indhaha caalamka ku soo jeediyay mandiqada.

– Hirdanka isbahaysiga NATO iyo Ruushka oo soo dhaafay bariga Yurub kuna sii fidiya daafaha

dunida, oo abuuray wax u eg dagaalkii qaboobaa 4

– Loolanka u dhaxeeya dawaladaha carabta iyo Iiran oo meelo badan ka aloosan lana moodo in

suniyiin iyo shiico loo kala saftay , gaar ahaan dalka Yeman

– Xidhiidhada diblomaasiyadeed ee dawlada Soamlia iyo dunida gaar ahaan Ruushka 5 .

– Maamulka cusub ee maraykanka iyo qorshayaashiisa ku aadan mandiqada.

Arrimahan aynu kor kusoo xusnay ayaa dhamaantoodba ah qaar xasaasi ah mararka qaarna iska hor

imanaya una baahan xirfad siyaasadeed si fiican loogu farsamo wado si wixii danta Somaliland ay ku

jirto looga soo dhex saaro.

Waxa baryahan danbe inoo muuqda ifafaalo dagaal qabow ee Ruushka iyo isbahaysiga NATO 5,4 , waxaad

moodaa in quwadaha dunidu ay si aan toos ahayn iyaga oo isugu soo gabanaya dawlado kale oo yar yar

ruushka waxaad moodaa inuu gar iyo gardaraba garab siinaayo Iiraan halka maraykanka iyo Iiraan uu

xaalkoodu meel xun maraaayo kadib markii uu maamulka cusub ee maraykanu laalay heshiiskii lagu

xakamaynayay mashruuca nukliyeerka ee Iiraan, waana sidii ay rabeen dawladaha gacanka carbeed oo

hadda ku foogan sidii ay maraykan ugu qancin lahaayeen in mar uun gacanta loo qaado Iiraan si meesha

looga saaro, ku darso oo dhanka kale waa iiraan iyo Ruushka eh aad ayay ula socdaan arintaa waana ta

keentay in ay qaadaan talaabooyin dhawr ah oo ay kamid yihiin xidhiidhkii ruushka 5 ee iyaga oo gudcur

gudaya la xidhiidhay Muqdisho si ay u waydiistaan fadhiisin ay ka samaystaan Berbera iyaga oo

ruushkuna balan qaaday inay dhisi doonaan milatariga dalka soomaliya, ka dib markii ay xaqiiqsadeen

ogaadeen in aanay Xamar waxba ka qaban karina Hargeisa isku soo shubay sida ay saxafaadu qortay,

kuwaas oo waji gabax iyo diidmo qayaxan kala kulmay, arrintaas oo ahayd talabadii haboonayd ee la

gudboonayd Soamliland sababta oo ah Somaliland waxay ka biyo diiday qorshihii ruushku maleegayay

ee ku ahaa dib u hubaynta iyo qalabaynta ciidanka Somaliya, inkasta oo saxaafada Ruushku arrintaa

diidmada ah ka gaabsatay haddana dareenka ay ka qabaan Soamliland waxaad ka dheehan kartaa

tilmaanta ay ka bixinayaan iyo sida ay ula muuqato iyaga oo ku Soamliland ku tilmaamaya maamul

budhacad badeed, sidii wax ay Berbera lahaan jireen oo Somaliland ka qaaday 6 .

Bal si aynu u fahano shaxda ay iska daba degayaan quwadahan lolamayaa waxa la wada ogyahay in

dhawaan dawlada Imaaraadka Carabtu ay Dawlada Soamliland ka codsadsatay fadhiisin milatari in ay ka

samaysato xeebta Berbera, arrintaas oo dawlada Somaliland ay soo ogolaatay, marka si dhab ah loo

dhugtana ahayd talaabo haboon oo u adeegysa danaha Somliland xag dhaqaale iyo xag

diblomaasiyadeed labadaba, waxaad maanka ku haysaa in dawlada Imaaradku iyo isbahaysiga gacanka

carabta ee dagaalka kula jira xuutiyiinta Yaman ee taageerto Iiraan ay fadhiisin kan la mid ah ku leeyihiin

dalka Eritria 7 oo aan ka dheerayn gacanka cadmeed danahoodana ay ka fushan karaan, bal is waydii

hadaba maxaa ku kalifay in ay kan Berberana ka bar bar furaan? khubarada ku xeel dheer istiraatijiyada

caalamiga waxa ay qabaan in arintaa maraykan dabada ka riixayo, isaga oo doonaya ka si aan toos ahayn

ula xidhiidho dawlada Somaliland, balse hadana waxa la is waydiin karaa, maxaa kalifayaa inuu Berbera

soo hungureeyo madaama oo uu saldhig ku leeyahay Jabouti? Runtii Jawaabtu way iska caddahay, oo

waxay iskugu biyo shubanaysaa in jiidan aany u soo dhawaan Ruushka iyo cid kale oo Iiraan taageersan

toona, tartanka loogu jirro degsiimada goobaha istraatijiga waxa uu astaan marag madoon ah u yahay

dagaal qabow.

Dhanka kalena waxa iyaduna socda dhaqdhaqaaq aad u xoogan oo ay waddo dawlada Somaliya oo

dhawaan maamul cusub loo dortay, dhaqdhaqaasi waxa uu salka ku hayaa sidii ay helli lahayd taageero

dhaqaale, mid diblomaasiyaded iyo waliba mid milatari 5 oo hellis badan ku noqon kara Soamliland, intaa

waxaa dheer dhaqdhaqaaqyo diblomasiyadeed oo ay qayb ka yihiin qaar ka mid ah dawladaha gobolka 10

oo la doonayo in lagaga hortago hirgalinta saldhiga milatry, waxa laga yaabaa dhawaan in lasoo

hordhigo qorshayaal ka dhan ah Imaaraadak golayaal ay ka mid yihiin midawga afrika iyo jaamacada

carabta taas oo lagu eedaynayo Imaaradku 8 inuu khal khal galinayo amaanka mandiqada oo uu kala

qoqobayo somaliya isagoo oo meel kaga dhacaya axdigii midawga Afrika iyo siyaasadii jaamacada

carabta ee midnimada Somaliya 9 , qaar ka mid ah dawladaha ay Somaliland jaarka yihiin ee arrintan

dabada ka riixaya isla mar ahaantaana ay ku yaalaan xeryo milatari oo ay leeyihiin quruumo kala duwan

ayaa sababta ay uga soo herjeedaan saldhigan milatari ee Berbera loo fahmi karaa inay ka war war

qabaan in dawlada imaaraadku saamyn ku yeelato dawladahaa kale ee saldhigyada dawladaha jaarka ah

ku leh taas oo hadii Imaaraadku ku galaysto hirgalinta saldhigaasi keeni karta inay iyaguna soo diga

rogtaan pp ku soo hirtaan Somliland oo marka horeba kaga haboonayd balse aqoonsi la’aanta awgeed

caalamka lagu khuukhin jiray.

Dawladahaas gobolka ayaa waxaa saldhigyadaasi ay kireeyeen ka soo gala kharash badan oo siyaabo

kala duwan ugu soo xareedo ayaa waxyaabaha ay ku soo jiitaan daneeyayaasha wax aka mid ah nabada,

balse hadana dhulka oo ku yar, dabeecada deegaan iyo cimilodooda oo qalafsan awgeed ka walaacsan in

laga digo rogto.

SOMALILAND IYO FURSADDA HOR TAALA

Hadaba waxa hubaal ah in fursado aad u qaali ah oo ka dhashay gadgadoonka siyaasadeed ee

mandiqadu ay garaacayaan albaabka Somaliland waxaanay ku soo beegantay xiligii ku haboonaa ee ay

Somaliland u baahnayd dhaqaale iyo xidhiidha calaami ah oo ay iskaga bardaamiso kuwa ay

samaysanyso dawlada Somaliya, waxa hubaal ah in ku gacan saydhkii Ruushka iyo soo dhawayntii

Imaaraadu labaduba ahaayeen talaabooyin ay dawalada Somaliland ay dhanka saxda ah u qaaday oo

danta dalka iyo himilada dadwaynuhuba ku jirto, taas oo bar bilow u noqon karta xidhiidho caalami ah

oo ka heer sareeya kuwii hore oo dhan isla markaana gogol xaadh u noqon kara aqoonsi hor leh, hadii

aad u fiirsato warbaahinta carabta siiba dawladaha khaliijka, kuwa dawlada iyo kuwa madaxa banana

labaduba waxa aad ugu batay soo hadal qaadka Jamhuuriyada Somaliland oo ay dhif iyo nadir uga hadli

jireen waxay ay bedeleen qaabkii ay u sifayn jireen Somaliland kuwaas oo si aan hore looga baran ugu

yeedha magaca Jamhuuriyada Soamliland, dhinacyada qaar ayaa ku eedaynaya imaaraadka inuu labadii

sanno ee ina soo dhaafay six ad dhaaf ah u buunbuuniyay Somliland.

GABA GABO.

sida aynu wada ognahay quruumaha dunidu waxay ay samaystaan xidhiidho kala duwan oo mar walba

ay sal u tahay danaha qaramadoodu, isla mar ahaantaana mid kastaa ka kale dhaafsado waxayaabo uu

baahan yahay balse aanu haysanin, waana sababta ay muddo dheer Soamliland ugu jirtay ku jirtay

go’doonka siyaasadeed taas oo aanay cidina ka dhex arki jirin danahooda, balse hadda waxaad moodaa

in jaaniskaasi u soo gacan galay, waxaanay u baahantahay in wanaagsan ay u soo dhawayso una

maamusho jaanisyadan, hadaba gaba gabadii maqaalakan waxaan ku soo gunaanadayaa qodobadan tala

bixinta ah ee arrintan ku sahabasan.

– Marka laga yimaado dakhliga dhaqaale ee laga dheefi karo cilaaqaatkan oo kale, waxa iyadun

mihiim ah in la dhaafsado manfac diblomaasiyadeed, oo Soamliland u suurto galin kara inuu ka

dabciyo dabarka aqoonsi la aanta, kaas oo fududayn kara socdaalka, ganacsiga iyo in suuqgaynta

qadiyada Somaliland.

– Arrimaha gaashaandhiga iyo qalabaynta ciidanka.

– dhiiri galinta maalgashiga shisheeye ee Somaliland.

– in ummada reer soamliland la tusaaleeyo muhiimada arrintani ay u leedahay qaranka, laguna

dhiiri galiyo in dhamaan la is barbar taago go,aamada lagu soo jiidanayo fursdahan oo kale.

TIXRAACYADA LAGA SOO XIGTAY MEELO KA MID AH MAQAALKAN

1. http://mgafrica.com/article/2015-08- 04-facts- about-egypts- new-suez- canal

2. http://gulfnews.com/your-say/your- view/berbera-s- history-is- telling-of- its-importance- 1.1913008

3.

http://california.universitypressscholarship.com/view/10.1525/california/9780520255517.001.0001/

upso-9780520255517- chapter-9

4. https://www.rt.com/op-edge/260653- russia-nato- reengagement-europe

https://www.rt.com/news/how-russian- decision-will- affect-worlds- unrecognised-states/

5. http://sputniknews.com/military/20160419/1038248777/cooperation-pm- army-economy.html

6. http://www.fort-russ.com/2016/10/the- superpower-returns- is-russia.html

7. http://www.presstv.ir/Detail/2017/02/15/510655/Somalia-UAE- military-base- Somaliland-Nur-

Jimale-Farah- Berbera-Yemeni- conflict

8.

View story at Medium.com

%D8%A7%D9%84%D8%A5%D9%85%D8%A7%D8%B1%D8%A7%D8%AA-

%D8%AA%D8%B3%D9%8A%D8%B7%D8%B1-%D8%B9%D9%84%D9%89-

%D9%85%D9%88%D8%A7%D9%86%D8%A6-%D8%B4%D9%85%D8%A7%D9%84-

%D8%A7%D9%84%D8%B5%D9%88%D9%85%D8%A7%D9%84-

%D9%88%D8%AA%D8%B9%D8%B2%D8%B2-%D9%85%D9%86-

10.

https://www.google.so/url?sa=t&rct=j&q=&esrc=s&source=web&cd=22&cad=rja&uact=8&ved=0ahU

KEwj59Z6WuZvSAhVCAsAKHX_MCT04FBAWCB0wAQ&url=http%3A%2F%2Fwww.fao.org%2Ffileadmi

n%2Fuser_upload%2Fdrought%2Fdocs%2F0413bp_djibouti_Chatham%2520house.pdf&usg=AFQjCN

EHTuHi6BvSFECt5DSg2PwswDG_aA&sig2=g7CbAbu3efIaeamAxggkXw&bvm=bv.147448319,d.ZGg

11.

https://books.google.so/books?id=5qqMAgAAQBAJ&pg=PA81&lpg=PA81&dq=ethiopia+reaction+on+

Berbera+military+base&source=bl&ots=VRraKgZvLl&sig=187Dwcqb8S3brPPmQtWH8uftkfw&hl=en&s

a=X&ved=0ahUKEwj59Z6WuZvSAhVCAsAKHX_MCT04FBDoAQgsMAM

Mohamed H. Ahmed Email: m.hussein2012@hotmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews